Qorshe Farmaajo kusoo abaabulay Dhalinyaradii Calanka kula soo baxday Borama iyo Dagaalkiisa cusub ee Somaliland oo la fashiliyey

Siyaasi Ismaaciil Cabdilaahi oo bannaanka soo dhigay Qorsheyaasha Cusub ee Farmaajo u diyaarsaday Duullaanka Siyaasadeed iyo Cadaawadda uu u hayo Somaliland

Hargeysa (SLpost)-Ciidanka Booliska magaalada Boorama, ayaa toddobaadkan xabsiga u taxaabay ku dhowaad 50 dhalinyaro ah oo ku lebbisan calanka Soomaaliya xilli gobollada Somaliland laga oogayey xuska dabbaal-degga maalinta xoriyadda ee 26-ka June oo ku beegan 61-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadda ka qaadatay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan magaalooyinka Waaweyn ee dalka waxa maanta laga xusay 61-guurada maalinta xoriyadda Somaliland oo munaasibad lagu weynaynayo lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo si toos ah warbaahinta looga tabiyey maalintan. Waxa ka kale oo munaasibado lagu xusayo sannad-guuradan lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Tallaabada ay ku kaceen dhalinyaradaas ayaa lala xidhiidhiyey gacan shisheeye, gaar ahaan inay ku lug leedahay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo badheedh ah ku haysa Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey Munaasibaddii xuska 61-guurada maalinta Xornimada Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusay maalinta 26 June oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inay Somaliland ka jiraan kacdoonno dhalinyaro ka soo horjeedda qaddiyadda Somaliland, waxaana hadalkiisa lala xidhiidhiyey tallaabda ay ku kaceen dhalinyarada calanka Soomaaliya kula soo baxday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Haddaba, Ismaaciil Cabdilaahi oo ah falan-qeeye madax-banaan oo ku xeel-dheer siyaasadda mandaqadda Geeska Afrika, ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay qorsheyaal hore leh oo dowladda Soomaaliya ku waajahayso dagaalka siyaasadeed ee ay ku hayso Somaliland.

Muuqaalka Hoose kaga bogo falan-qeynta uu arrimahan kaga hadlay Ismaaciil Cabdilaahi

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net