Wararkii u dambeeyey 50 Dhalinyaro ah oo lagu Xidh-xidhay Boorama iyo Ciidanka Booliska oo ka hadlay

Boorama (SLpost)- Ciidanka Booliska magaalada Boorama, ayaa maanta xabsiga u taxaabay ku dhowaad 50 dhalinyaro ah oo ku lebbisan calanka Soomaaliya xilli maanta gobollada dalka laga oogay xuska dabbaal-degga maalinta xoriyadda ee 26-ka June oo ku beegan 61-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadda ka qaadatay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan magaalooyinka Waaweyn ee dalka waxa maanta laga xusay 61-guurada maalinta xoriyadda Somaliland oo munaasibad lagu weynaynayo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada taas oo si toos ah warbaahinta looga tabiyey oo lagu weynayey maalintan oo ku suntan inay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland tahay meeshii ugu horeysay guud ahaan dhulka Soomaalida ee calan laga taago.

Haddaba iyadoo munaasibaddan loo dabbaal-degayo, waxa magaalada Boorama lagu xidh-xidhay dhalinyaro qorshaha ay ku socdeen iyo ficilka ay qaadeen lagu sheegay mid dibadda laga soo abaabulay kuwaas oo calanka Soomaaliya ku dhex-sitay gudaha caasimadda gobolka Awdal.

Dhalinyarada oo la sheegay in qaarkood baraha bulshada ku baahiyeen sawirro ay sitaan calanka Soomaaliya oo ay ku galeen duleedka Boorama, ayaa ciidamada Boolisku qab-qabteen, waxaanay ku xidhan yihiin oo la geeyey xabsiyada kala duwan ee gobolka Awdal iyo gobollada kale ee dalka, sida lagu sheegay war kooban oo Ciidanka Boolisku kaga hadleen dhacdadan.

“Ciidanka Booliska Gobolka Awal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro (50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.

Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen  meel ka baxsan magaalada,” Sidaas waxa lagu heegay qoraal lagu baahiyey ciwaannada baraha bulshada ee Ciidanka Booliska JSL.

Waxa ay Ciidanka Boolisku sheegeen in gacmo shisheeye dabada ka riixaysay ficilka ay ku kaceen dhalinyarada la qab-qabtay.

“Dhalinyaradan ayaa hadda ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkooda.

Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somallilandpost.net