“Ninkii Balaayo Doonayaa #Goojacade Ha Tago” ~ Shacabka Hargeysa Oo Cod Dheer Ku Hadlay

Hargeysa (SLpost)- Shacabka magaalada Hargeysa, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey go’aan ay Isniintii toddobaadkan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku muddeeyeen Doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxa ay go’aankooda ku sheegeen in Doorashada ururrada Siyaasaddu ka soo horeyn doonto doorashada madaxtooyada, kuwaas oo ku kala muddeysan 28 December 2023-ka iyo November 2024-ka, waxaanay goleyaasha sharci-dejinta ka dalbadeen in la dhameystiro xeerarka doorashooyinka oo qabyo ah.

Muuqaalka Hoose kaga bogo ra’yi-ururin codkooda lagaga qaaday shacabka Hargeysa qaarkood oo qaarkood soo dhaweeyeen qaarna Ka soo horjeesteen Go’aanka guddiga Doorashooyinka.