Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Muddeeyey Xilliga ay Qabsoomayaan Doorashada Ururrada Siyaasadda iyo madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan ay ku muddeeyeen qabsoomidda Doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen ku caddeeyey in Doorashada ururrada Siyaasaddu ka soo horeyn doonto doorashada madaxtooyada, waxaanay goleyaasha sharci-dejinta ka dalbadeen in la dhameystiro xeerarka doorashooyinka oo qabyo ah.

Go’aanka Komishanka Doorashooyinka waxa lagu sheegay in Doorashada ururrada siyaasaddu qabsoomi doonto 28 Bisha December 2023-ka si ay uga soo dhex-baxaan saddexda xisbi Qaran ee shaqayn doona 10-ka sanno ee soo socda.

Halka Doorashada madaxtooyada loo muddeeyey Bil kaddib dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha Somaliland, taas oo ku taariikheysan 24 November, 2024-ka.

Hoos kaga bogo Go’aanka Guddiga Doorashooyinka iyo Qodobbada ay u cuskadeen muddeynta Doorashooyinka.