Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Kala Hadlay Ururrada Bulshada Rayidka ah?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta madaxtooyada kulan kula qaatay xubno ka tirsan ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka jira dalka.

Lama oga arrimaha uu madaxweynuhu kala hadlay madaxda ururrada bulshada Rayidka ah, haseyeeshee war kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay kulanka, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay doorka ururrada bulshada kaga beegan diyaar-garowga Doorashada ururrada siyaasadda iyo madaxtooyada.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka lagaga hadlay xoojinta nabad-gelyada iyo kaalinta Ururada Bulshada Rayidka ah ay ku leeyihiin arrimaha qaranka, isla markaana uu madaxweynuhu ururrada bulshada la wadaagay xaaladda dalka ee xilligan.

Ugu dambayn, waxa uu warku intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku dhiirrigeliyey in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay qaataan kaalintooda waddaniyeed.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo ururrada Bulshada Rayidka ah, waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ayaa ku midaysan dallada SONSAF oo kulmisa dhammaan ururrada ka shaqeeya arrimaha bulshada ee ka jira Somaliland.

Kulankan ayaa soo beegmay Xilli uu waddanka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya doorashada madaxtooyada iyo furista ururrada Siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net