Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Soo Saartay Go’aan Tobaneeyey Ururrada Siyaasadda ee U gudbay Tartanka Axsaabta

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad u dhaxaysa urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Maxkamadda Sare ahna maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa go’aanka soo saartay kaddib markii ay dhegaysatay dacwadda labada dhinac oo kiiskeedu maxkamadda soo galay kaddib markii hoggaanka urur-siyaasadeedka Talo-wadaag racfaan ka qaatay go’aan ay guddigu dhawaan ku kala saareen 15 Urur-siyaasadeed oo 9 ka mid ahi buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Maxkamadd Sare oo dhegaysiga Dacwadda u fadhiisatay 15-kii November, 2022, waxa ay dhegaysatay doodda iy cadaymo ay maxkamadda horteeda ku soo bandhigeen labada dhinac ee Masuuliyiinta ururka oo ku doodaya inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada oo ku dooday inaanu ururka Talo-wadaag ka gudbin shuruudihii loo baahnaa ururrada oo ahaa inay gobollada dalka ku soo bandhigaan tageerayaal tiradooda lagu xaddiday Kun Qof.

Advertisement

War-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay sidan:-  “Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in Uur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka, sidoo kale waxay Maxkamaddu fartay Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska ururada gudbay ee loo gudbinayo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada Axsaabta Qaranka,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag oo uu guddoomiye u yahay Ex-xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa noqonayaa ururka kaliya ee Racfaanka ka qaatay go’aankii ay guddigu diiwangelintu hore ugu shaaciyeen 9 urur-siyaasadeed oo u gudbay tartanka Axsaabta Qaranka.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa tirada ururrada soo baxay ka dhigaya 10 Urur-siyaasadeed, kuwaas oo saddexda Xisbi ee hadda jira kula tartami doona Doorashada Axsaabta Qaranka oo ay ka soo bixi doonaan Saddex Xisbi Qaran oo tobanka sanno ee soo socda majaraha u hayn doona saxaafadda Siyaasadda iyo Tartanka Doorashooyinka Dalka.

Dhinaca kale, Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo axsaabta Qaranka, ayaa isla maanta u gudiyey Komishanka Doorashooyinka u gudbiyey liiska 10-ka Urur-Siyaasadeed ka qayb-gali doona Doorashada Axsaabta Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Advertisement