Ururrada Siyaasadda Ee Ka Soo Gudbay Tartankii Madax-taabashada Oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa (SLPOST) – Guddiga Furista iyo Ansixinta axsaabta Siyaasadda Qaranka Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay in 9 urur siyaasadeed ay ka soo gudbeen tartankii madax taabashada kunka qof oo lagu kala saarayay 14 urur-siyaasadeed.

Urrur siyaasadeedyada ka soo gudbay tartanka Madax taabashada kunka qof, oo urur walba laga rabay in uu ugu yaraan kun qof ka helo gobol kasta, ayay guddidu ku dhawaaqday in ay ka soo gudbeen ururada kala ah Kaah, Shacabka, Waaberi, Hilaac, Rejo, Barwaaqo, Mideeye, Ogaal iyo Horseed.

Laakiin, waxa tartankaasi ku hadhay Ururrada kala ah Iftiin,Talo-wadaag, Ubax, Daljir iyo Miisaan.

 

Somalilandpost.net/Hargeisa Office