Maxay ka-wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ku-xigeenka Wakiilka QM oo maalmood ku sugnayd Hargeysa?

Advertisement

Madaxtooyada Somaliland oo aan wax war ah ka soo saarin Natiijada Kulanka labada Dhinac

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa soo gaadhay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Anita Kiki Gbeho oo ah haweenay u dhalatay Dalka Ghana.

Ms Kiki Gbeho oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan xafiiska UNSOM ayaa Axaddii shalay ka soo degtay gegida diyaaradaha ee Hargeysa iyadoo la socotay diyaarad ay Qaramada Midoobay leedahay, waxaanay magaalada Hargeysa kulan kula yeelatay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi iyo masuuliyiin ka tirsan saddexda Xisbi Qaran.

Ma jiro wax war ah oo madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Arrimaha lagaga hadlay kulanka Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ms Kiki Gbeho, haseyeeshee war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga wada-hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo Qaramada Midoobay, Doorashooyinka iyo Siyaasadda iyo sidoo kale doorka haweenka iyo dhalin-yarada ee ka qayb-qaadashada hoggaanka dalka.

Advertisement

“Waxaanu ka wada hadalnay shaqada Qaramada Midoobay, doorashooyinkii u dambeeyey iyo horumarka laga sameeyey siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale Doorka haweenka iyo dhallinyarada ee hoggaaminta,” waxa sidaas sheegtay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Ms Kiki Gbeho kaddib markii ay maanta kulan la qaadatay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Warku waxa uu intaa ku daray in Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ay kulan la qaadatay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada Rayidka ah, isla markaana ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya isbeddelka Cimillada iyo sidii haweenka fursad loogu siin lahaa ka-qayb-qaadashada siyaasadda dalka.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay Ms Kiki Gbeho ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey socdaal is-barasho ah ku joogtay Hargeysa oo ay socdaalkeedii u horeeyey ku timi dorraad tan iyo markii xilkan loo magacaabay 30 kii December 2020-kii.

Ms Kiki Gbeho oo xilal kala duwan ka soo qabatay Qaramada Midoobay 10-kii sanno ee u dambeeyey, iyadoo hore madax uga soo noqotay Xafiiska Isku-xidhka gargaarka bani’aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan eedaymo u jeediyey Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda OCHA oo cambaareysay go’aan Xukuumadda Somaliland dhawaan magaalada Laascaanood kaga mustaafurisay muwaadiniin u dhashay Soomaaliya oo 30-kii sanno ee u dambeeyey qaxoontinimo ugu noolaa xarunta gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.ne

Advertisement