Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay Qaabkii ay Soomaaliya iyo OCHA uga fal-celiyeen Tarxiilka Laascaanood, Xog muhiim ahna sheegay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysal ka hadlay Dad u dhashay Soomaaliya oo toddobaadkii hore laga tarxiilay magaalada Laascaanood iyo qaabka ay maamullada dalkaasi u qaabileen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay xuska 37-guurada maalinta Shuhadada SNM oo sannadka la xuso 17 October, waxa uu sheegay inay xukuumaddu bixisay Daawada iyo kharashka baabuurta la saaray dadkaas, isla markaana ay raaciyeen Ciidammo amnigooda ilaalinaya ilaa ay ka gaadheen maamul-goboleedka Puntland.

Md Muuse Biixi waxa uu dhaliilay qaabka ay madaxda maamullada Soomaaliya uga fal-celiyeen tallaabada Somaliland dalkooda dib ugu celisay dadka u dhashay Soomaaliya ee muddada 20-ka sanno ka badan ku noolaa Laascaanood kuwaas oo ku tilmaamay inay khatar ku hayeen amniga gobolka Sool.

“Gobollada kale ee Soomaaliya ka mid ah ee aad u hadlaya ee leh dadkiibaanu soo dhawaynaynaa, waxaan leeyahay qof qudha oo reer Baydhabo ah oo Somaliland lagu dilay ma jiro. Qof Qudha oo lagu dulmiyey oo xaq-darro lagu sameeyey ma jiro oo xoolihiisa laga dhacay ma jiro,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Waxa uu madaxweynuhu xusay in maamul-gooleedka Puntland oo si xooggan uga qayliyey tarxiilka dadka u dhashay deegaanka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ay dil-toogasho ah ku fulisay dhalin-yaro deegaankaas ka soo jeeda oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

“Puntland oo durbaanka aad u tuntay, maalin qudha ayey qudha ka jartay 17 carruur ah oo aan 20-jir gaadhin oo intay soo qabteen ay yidhaahdeen dil-baanu ku xukunnay oo iyagaa wax dilaayey,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi isagoo intaas ku daray inaanay jirin meel maxkamad lagu soo taagay oo dacwaddooda lagu qaaday 17-ka Dhalinyarada ah ee Maamul-goboleedka Puntland xukunka xilka ah ku fuliyey.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo Magaalada Muqdisho yihiin labada meelood ee dulmiga tacaddiga ugu badan loogu geysto dadka ka soo jeeda Koonfur-Galbeed.

“Sannad aan Boosaaso ama Puntland lagu dilin dadkaas Koonfur Galbeed ka yimi ma jirto. Xamar iyada ka hadli maayo oo oo meel dhiigga bani’aadamka lagaga baayac-mushtareeyo iyadaa jirta oo kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayaa waa Dadka Koonfur Galbeed ka yimi.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababta ay xukuumad ahaan u go’aansadeen inay dalkooda dib ugu celiyaan Dadka Qaxootiga ah ee muddada 30-ka sanno ku dhow ku noolaa magaalada Laascaanood.

“Maadaama aynu nahay dowlad taag-daran oo dhaqaale yar, dadkiina ay bateen,  Qaramada Midoobayna ay dayacday oo u samayn weyday inay wax taakulo ah siiso, kuwa Baydhabo iyo Muqdisho maamulaa ay iyagu dayaceen dadkoodii, waayo hadday helaan meel ay ku shaqaystaan iyo ammaan dadkaasi may yimaaddeen halkan, markaa annagu waanu qaadi kari weynay culayskoodii, nabadgelyo ahaan iyo Dhaqaale ahaan.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland si bani’aadamnimo u anba-bixisay in ka badan 2000 Qof oo laga tarxiilay magaalada Laascaanood.

“In ka badan 30 gaadhi ayaa la saaray, gaadhiga dad ku filan oo uu qaadi karo ayaa la saaray. Gaadhi walba waxa la saaray 10 Koosaradood oo Timir ah iyo Toban Kartoon oo Biyo ah. Gaadhi kasta oo dadkaas qaadayna waxaanu ka bixisay 1,300 Dollar.

“Waxaanu raacinnay Gaadiid Tikniko ah iyo Ciidammo ilaa inta ay ka gaadhayeen Puntland. Qof Qudha oo waxyeello soo gaadhayna kuma jirin,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhaliilo u jeediyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha gar-gaarka bani’aadamniga ee OCHA oo uu ku eedeeyey inay fasiraad qaldan ka bixisay tallaabada Somaliland Dadka Ajaanibka ka mastaafurisay Laascaanood isla markaana ay ka dhigtay mashaariic ay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka taageero dhaqaale kaga raadinayso.

Madaxweynuu waxa uu sheegay inaanay hay’addaasi wax taageero ah ama gargaar bani’aadamnimo u fidin dadkaas oo muddo sanno ku dhow qaxooti ugu noolaa magaalada Laascaanood.

“Dadkaasi iyagoo caydh ah oo qaxooti ah bay 30-sanno ka hor ka yimaaddeen Baydhaba iyo meel ka fog. Maalin qudha waxba may siinin. Hadday OCHA ka naxayso maxay u gar-gaari weyday oo meel ugu samayn wayday? Maxay maanta uga qaylisay? Waa laba wejiile-nimada Qaramada Midoobay marka ay doonayso dowladaha Lacagta leh ee Muslimka ah u badan in lagu maalo oo lacag lagaga qaado. Taasina waa ku ceeb Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, caalamkana way ku qaldayaan,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net