Maxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Itoobiya?

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Somaliland Amb Delil Kedir Bushra, kaasi oo booqashadiisii koowaad ku yimid Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashadan ayaa daarnayd is-barasho maadaama safiirku ku cusub yahay safaaradda iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dawladood ay wadaagaan, gaar ahaan wada shaqaynta baaxada leh ee ka dhaxaysa Garsoorka labada dal, waxaanay Guddoomiyaha iyo safiirku hoosta ka xarriiqeen sida ay muhiimka u tahay joogteynta iskaashigaasi soo jireenka ah ee labada waddan, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare.

Safiirka Dalka Ethiopia, ayaa sidan oo kale kulamo isbarasho ah la qaatay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan-dhigga, kaddib markiii uu madaxweynaha Somaliland waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay 20-ka bishii March ee sannadkan.

Advertisement

Diblomaasigan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo ah qoomiyadda lixaad ee ugu badan Dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo maamul ahaan hoos taga Ismaamulka Shucuubta Koonfureed, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan Qof, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 51 Dadka Uraagada ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement