Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Federaalka Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Danjire Delil Kedir Bushra oo dhawaan la soo magacaabay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka iyo Safiirka Ethiopia ayaa ka wada-hadlay xaaladaha nabadgelyada iyo horumarinta iskaashiga labada waddan.

“Kulankan ay wada yeesheen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Safiirka Cusub ee Dawladda Federalka Itoobiya ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn Wasiirku u sameeyey Safiirka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,ayaa safiirka warbixin ka siiyey Nabadgelyada buuxda ee ka jirta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabadgelyada.

Safiirka ayaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey, isagoo ku ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa 20-ka bishii March 2023 waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjire Amb Delil Kedir Bushra oo ka mid noqday Danjireyaal Cusub oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia u magacowday waddamo Dhowr ah.

Danjire Bushra ayaa dhalasho ahaan ka soo Jeeda Qoomiyadda Gurage (Uraagada) oo ka tirsan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo la tilmaamo inay yihiin Qoomiyadda Lixaad ee Ugu Badan Dalka Ethiopia, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan, kuwaas oo boqolkiiba 51 ka mid ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net