Marxuum Suxufi Madar Cabdi Axmed Oo Aas Loogu Sameeyey Hargeysa

Allah naxariistiisa Janno haka waraabiyee waxa maanta magaalada Hargeysa aas loogu sameeyey Marxuum Suxufi Madar Cabdi Axmed oo shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu xaalad caafimaad u yaallay toddobaadyadii u dambeeyey.

Aaska Marxuum Suxufi Madar Cabdi Axmed oo Gelinkii dambe ee maanta loogu sameeyey xabaalaha Baqiic ee duleedka Hargeysa, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Somaliland, bahda Saxaafadda iyo Dadweyne tiro badan.

Masuuliyiin iyo Suxufiyiin ka qayb-galay Aaska, ayaa ka warramay shaqsiyaddii iyo doorkii uu Marxumku ka soo qaatay geeddi-socodkii horumarka Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan bahda saxaafadda Maqal iyo Muuqaalka ah oo uu hormuud ka ahaa.

Suxufiyiin ay qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka soo wada-shaqeyeen marxuumka, ayaa ka warbixiyey shaqsiyaddii iyo kaalintii uu ka soo qaatay bahda warbaahinta dalka, waxaanay ku sifeeyeen shaqsi Eebbe hibo u siiyey, Akhlaaq-wanaag, Dul-qaad, Sabir, hal-adayg, karti iyo Dad la dhaqan suubban isla markaana garab istaaga qofka kasta oo gar-gaar iyo waxtar uga baahda.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda, Guddoomiyaha Shirkadda Sagaljet oo ay aqoon durugsan isku lahaayeen marxuumka muddadii uu saxaafadda ku jiray iyo ka horba, ayaa marxuumka ku sifeeyey Shaqsi Eebbe ku karaameeyey gacan-qabashada Dadka gargaarka iyo waxtarka uga baahda oo uga faa’idayn jiray Xirfaddiisa suxufinimo iyo magaca uu ku lahaa bulshada dhexdeeda.

Dhammaan masuuliyiinta, Suxufiyiinta iyo Dadweynaha kale ee ka qayb-galay Aaska Marxuumka, waxa ay dhammaantood isku raaceen inuu marxuumku ahaa Shaqsi Eebbe ku maneystay akhlaaq-wanaag, karti, Dal iyo Dad-jaceyl iyo dhiirranaan uu kaga midho-dhaliyo hawl-kasta oo uu qabanayo, Waxaanay Eebbe uga baryeen inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna sabir iyo iimaan ka siiyo.

Waayihii Saxaafadda ee Marxuum Madar Cabdi Axmed.

Allah ha u naxariistee Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa uu wakhti ku began sannadkii 1979-kii ku dhashay magaalada Hargeysa oo ku barbaaray kuna soo qaatay waxbarashadiisa Dugsiga H/Dhexe ilaa  Heer Jaamacadeed.

Marxuum Madar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah ee muddada badan ku soo jiray Saxaafadda Dalka, waxa uu sannadkii 2005-tii xirfaddiisa shaqo ka bilaabay Telefishankii la odhan jiray Hargeysa Tv oo ahaa warbaahintii ugu horeysay ee Maqal iyo Muuqaal ah ee dalka Laga Hirgeliyo, isagoo ku soo shaqeeyey weriye soo tabiya wararka maalinlaha ah iyo diyaarinta barnaamijyp taariikho ah oo ka bixi jiray telefishanka Hargeysa TV oo markii dambe loo bixiyey Somaliland Space Channel.

Allah ha u naxariistee, Marxuum Madar Cabdi Axmed oo muddadii uu saxaafada ku jiray ku Sifoobay akhlaaq-wanaag iyo hal-abuur, waxa xirfaddiisa suxufinimo ku soo baxday diyaarinta iyo soo-tebinta waraysiyada siyaasiyiinta dalka iyo barnaamijyada taariikhiga ah, waxa kale oo uu ka hawl-galay telefishanka Horn Cable TV oo uu muddo dhowr sanno ah ka hawl-galeyey.

Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa kale oo uu ka hawl-galay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefishanka Qaranka xilligaas oo suxufiyiintii oo suxufiyiintii ruug-caddaaga ahaa ee ka hawl-gali-jiray warbaahinta madaxa-bannaan ay qaarkood u wareegeen telefishanka Qaranka, iyadoo ujeeddadu ahayd sidii loo tayayn lahaa Wax-soo-saarka warbaahinta maqal iyo muuqaalka ah ee Dowladda.

Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa lagu xusuustaa oo taariikhda u gashay Diyaarinta Barnaamijyo taxane noqday oo uu ka diyaariyey Xasuuqii ay dowladdii Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland, isagoo marxuumku barnaamijyo taxane noqday ka sameeyey xasuuq dadka shacabka ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolladii Woqooyi ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya loogu geystay Xeebta Jaziira ee duleed magaalada Muqdisho sannadkii 1989-kii, kuwaas inta laga soo ururiyey gudaha Muqdisho si badheedh ah loogu toogtay xeebta Jaziira. Marxuum Madar Cabdi Axmed, waxa uu waraysi la yeeshay Qofkii kali ahaa ee ka badbaaday xasuuqaas.

Dabayaaqadii Sannadkii 2013-kii waxa uu marxuum Madar Cabdi Axmed magaalada Hargeysa ka aasaasay warbaahinta Himilo Media Group oo uu qayb ka yahay Wargeys lagu magacaabi jiray Himilo Oo uu mulkiyaddiisa kala wareegay Siyaasi Axmed Sandoon oo iska lahaa magaca Wargeyska Oo hore u soo bixi jiray intii u dhaxaysay 1998-kii ilaa 2002-dii.

Wargeyska Himilo Oo Shaqaynayey intii u dhaxaysay 2013-kii ilaa 2018-kii, ayaa ka mid noqday Warbaahinta ugu magaca weyn dalka, iyadoo ay ka soo hawl-galeen soona wada-shaqeeyeen marxuumka suxufiin magac ku dhex-lahaa warbaahinta dalka.

Allah ha u naxariistee, Marxuum Suxufi Madar Cabdi Axmed, waxa uu Ifka kaga tagay Xaas iyo Lix Carruur ah oo Isugu jira Afar Wiil iyo Laba Hablood.

Illaahay naxariistiisa Janno haka Waraabiyo Marxuum Madar Cabdi Axmed, sabir iyo Iimaan Saadiq Ahna haka siiyo dhammaan Qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda Saxaafadda ee Somaliland.

Innaalilaahi Wa Innaa Ilaylihi Raajicuunn.