Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran u magacaabay Ka-hortagga Cudurka Covid-19

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magacaabay Guddiga ka hor-tagga Cudurka sida xawliga ah dunida ugu fidaya ee Corona-virus, kaas oo soo gaadhay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Dalka Ethiopia oo Xuduud la leh Somaliland, waxa ka dhexeeya ganacsiga ugu badan ee Qudaarta iyo Qaadku ka mid yahay oo Somaliland uga yimaadda. Waxaanay arrintani sababtay in Jimcihii shalay ay xukuumaddu hakiso fiisayaasha la siin jiray dadka ka imanaya dalka Ethiopia ee u soo safraya Somaliland.

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweynaha Somaliland, waxa uu ku magacaabay guddi heer Wasiir ah oo Shan xubnood ka kooban, kuwaas oo madaxweynuhu u xil-saaray diyaar-garow heer Qaran ah oo lagaga hortagayo khatarta iyo saamaynta Cudurka Covid-19 ee ka dhasha caabuqa CoronaVirus.

Guddiga Wasiirrada ah ee madaxweynuhu magacaabay, ayaa kala Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Wareegtada Madaxweynaha oo lagu socodsiiyey dhammaan masuuliyiinta hawshan loo igmaday oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa u dhignayd sidan:-

“Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo.

Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus”, sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada Madaxweyne Biixi ku magacaabay Guddiga Heer Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Covid-19 ee faraha baas ku haya caalamka.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net