Dowladda Somaliland oo Joojisay Dal-ku-galka Dadka ka Imanaya Ethiopia, Digniina u dirtay Muwaadiniinteeda ku nool Dalkaas

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay Dal-ku-galka (Visa) la siin jiray Dadka ka imanaya Dalka Itoobiya, ka dib markii ay Dowladda Itoobiya maanta oo Jimce ah si rasmi ah u shaacisay in Kiiskii ugu horreeyey ee Caabuqa Coronavirus laga helay Qof ajaanib ah magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa shaacisay in qofkii u horreeyey dalkeeda laga helay Caabuqa Coronavirus, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Duqa Caasimadda Addis Ababa Takele Uma Banti, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Muwaaddin u dhashay dalka Japan oo ku nool Addis Ababa laga helay Caabuqan dhaliya cudurka Covid-19.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook maanta, waxa uu kaga hadlay tallaabada ay qaadayaan iyo waxay kula talinayaan Dadka Reer Somaliland ee Itoobiya ku nool.

“Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka COVID-19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya-na ay dadka farayso in la raaco.”

“Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha) dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiir Ku-xigeenka Dowladda Somaliland ee Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa ah dalka koowaad ee xidhiidhka ugu badani ka dhexeeyo Somaliland, iyadoo shacabka labada Dal si aad ah isugu socdo, iyadoo ganacsi badan Somaliland uga yimaaddo Itoobiya, sida khudaarta iyo Qaadka.

Somalilandpost.net