Madaxwayne Siilaanyo oo maanta socdaal kedis ku maray Caasimadda, shacabkana kala Qayb-galay Salaaddii Jimcaha iyadoo aanay wax ilaalo ahi la socon

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dadwaynaha Magaaladda Hargeysa kala qayb-galay tukashada Salaadda Jimcaha isaga oo aanay la socon wax ilaalo marka laga reebo taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa wehelinayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirradda Madaxtooyadda iyo xubno kale ayaa ka hor salaadda Jimcaha waxa ay soo indho-indheeyeen qaybo ka mid ah caasimadda iyaga oo socdaallo kedis ah ku tagay waddada loo maro Huteel Maansoor.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo aan in muddo ah shacabkiisa kala qayb-galin Salaadda Jimcaha isla-markaana ku cibaadaysta Masjidka Gudaha Madaxtooyada ku yaala, ayaa shalay Salaaddii Jimcaha ku tukaday Masjid ku yaala xaafadda Jijiga Yar ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo dadweynihii ku tukanayey mar kaliya arkeen madaxweynihii oo masaajidka kula tukanaya oo aanay hareero socon ciidankii looga bartay marka uu madaxtooyadda ka soo baxayo.

Markii uu soo dhamaystay Madaxweynuhu socdaalkiisa kediska kadib waxa uu dib ugu laabtay Qasriga Madaxtooyadda.

Ma aha markii ugu horraysay ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) uu socdaal kedis ah uu ku soo maro qaybo ka mid ah caasimada dalka ee Hargaysa, waxaanay dadweynuhu soo dhoweeyen tallaabadan oo ku tilmaameen mid isku soo dhoweynaysa madaxweynaha iyo dadweynaha isla markaana uu ku kasban karo bulshada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net