“Haddii Dawladdu Ka Xishootay Inay Qaadka Joojiso, Masaajiddana Ha Ka Xishooto” – Sheekh Maxamed Cumar Dirir

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilay go’aan ay xukuumaddu Somaliland ku amartay in la xidho masaajiddada muddo Afar toddobaad ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.

Guddiga Ka-hortagga Caabuqa Coronavirus ee Somaliland, ayaa go’aamo ay todobaadkan soo saareen ku amray in la xidho goobaha ay dadku isugu yimaaddaan oo Masaajiddadu ka mid yihiin si looga hortago faafitaanka Cudurka Covid-19, kaddib markii la xaqiijiyey saddex qof oo cusub oo xannuunkan laga helay kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka hadlay Masaajidka uu Khaddiibka ka yahay ee Rusheeye, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab loo xidhi karo masaajiddada maadaama ay jiraan arrimo badan oo ka horreeya oo mudan in tallaabo laga qaado ka hor go’aan ka gaadhista ah xidhitaanka Masaajiddada.

Sheekhu waxa uu sheegay in xukuumaddu indhaha ka lalisay Badeecadda Qaadka oo laga soo waarido dalka Itoobiya oo tirada dadka Xannuunka laga helay ku dhowdahay Boqol qof.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net