Xukuumadda Somaliland oo Amartay in Masaajiddada la Xidho, Ajaanibka Sharci-darrada ku joogaana dalka ka baxaan

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida Qaran Ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo 4 todobaad ah la xidho isla markaana aan laysugu iman karin Masaajidada, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay ku tukadaan Guryahooda iyo goobahooda ganacsi.

Guddiga oo maanta soo saaray go’aamo ka kooban 10 qodob oo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka, waxa ay ugu baaqeen dadka Dadka Ajaanibka ah ee sharci-darrada ku jooga dalka inay muddo 5 maalmood gudahooda ah kaga baxaan dalka.

“Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan ‘In Shareecadeenna suubban av u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xagiijiyo daruufo adag, sida xanuunada faafa iwm’ iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Muadiniinta Masoajidada waxa Ia farayaa in ay Eedaanka solaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii Rixaalikum),”  Sidaas ayay guddigu ku sheegeen war-saxaafadeedkooda.

Waxa kale oo go’aamada Guddiga lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka April oo ku beegan Arbaca todobaadkan ay dalka isaga baxaan Dadka Ajaanibka ah ee aan sifo sharci ah ku joogin gudaha Somaliland.  “Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa In ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah Oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.” Sidaas ayay guddigu sheegeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net