Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor oo Heshiiyey

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Waxa Khamiistii shalay la soo af-jaray isla markaana heshiis laga gaadhay Khilaaf gaadhay in hadallo xanaf leh warbaahinta laysu-mariyo oo dhexmaray Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

Guddoomiyaha xisbiga Eng. UCID Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa shalay isu-yimi kana heshiiyay khilaafkaas, kaddib markii ay labadooduba aq-baleen dhex-dhexaadin uu ka odayeeyay Xildhibaan Jaamac Maxamed Cabdi (Jaamac Macaf) oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Berbera.

Xildhibaan Jaamac Macaf ayaa oo ka hadlay goobta ay labada masuul isku laab-xaadheen, ayaa sheegay in Illaahay ku guuleeyey masuuliyaddaas uu isu-xilqaamay.

Advertisement

“Maanta oo aanu joogno magaalada Hargaysa, waxaa hareerahayga fadhiya guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo wasiirkii howlaha guud Cabdillaahi Abokor, si iskay ah ayaan iskugu xilqaamay in aan khilaafkii yaraa ee soo kala dhex galay xalino, wayna islaab xaadheen,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Macaf oo heshiiska iyo is laab xaadhashada labada masuul ku tilmaamay waxyaabaha ay Somaliland caalamka qaarkii kaga duwantahay.

”Dadka reer Somaliland waxan u sheegayaa, dadkeena siyaasiyiinta ahi waxyaabaha ay dunida kale kaga duwan yihiin weeyaan, waxkasta hadday dhexdooda ka dhacaan si wanaagsan oo gobonimo ah ayay u dhamaystaan”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta isku marinayay weedho xanaf leh oo mid ba midka kale ku dhaliilay, iyadoo Faysal uu wasiirka ku eedeeyay musuq-maasuq halka wasiir Abokor uu guddoomiye Faysal ku tilmaamay Siyaasi caqabad ku ah sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland maadaama oo uu muddo 21 sanno ah guddoomiye iyo murashax ka yahay Xisbiga UCID.

Cabdilaahi Abokor ayaa dhaliilaha musuq-maasuq ee Guddoomiye Faysal ku eedeeyey awgeed sheegay in uu dacwad arrintan la xidhiidha u gudbinayo Maxkamadaha dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement