Somaliland: Wasiir Maxkamad la tiigsanaya Guddoomiye Xisbi

Maxkamada sare ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo wasiirka ku eedeeyay in uu ku kacay musuq-maasuq Xilligii uu ahaa Wasiirka Horumarinta Jidadka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaynta uu wasiirka u jeediyey ka sheegay munaasibad xisbiga UCID ugu dabbaal-degay 20-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga UCID sannadkii 2001-dii, taas oo shalay ku qabsoontay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Maxkamada sare ee Somaliland

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan oo maanta ka jawaabay dhaliilaha guddoomiyaha UCID u jeediyey, ayaa Eng Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu markasta fagaarayaasha ka sheego hadallo aanu iska hubsan oo been abuur ah.

Cabdilaahi Abokor waxa uu sheegay in uu gacanta ku hayo dhammaan dhukumantiyadii iyo xogta hawlihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, waxaanu ku gooddiyey inuu maxkamadaha dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe si ay garsoorka ugu kala baxaan.

“Aniga iyo Faysal in waxaanu kula bixi doono laamaha garsoorka ee Somaliland, waana markii ugu horraysay ee laba masuul isla tagi doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo. Ma jiro wax na dhexyaala aniga iyo Faysal, balse Faysal dib u dhac hagar-daamo ayuu ku yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland, maantana waxa uu jooga sannadkii 21-aad ee uu yahay guddoomiye xisbi, waana markii afraad ee uu leeyahay waxaan u sharaxanahay xil madaxweyne, taasina waxa ay Meesha ka saaraysa nidaamkii dimuquraadiyadeed, dawladdeed iyo isbeddel. Markaa dhab ahaantii waxaan arkayaa Faysal in uu yahay Weel madhan, weelka madhanina wuu sanqadh badan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa aan ogahay in Faysal Qaranka hagardaamo ku yahay, in uu nidaamka dawladdnimada hagardaamo ku yahay. Faysal waxa uu dafiray qorshihii Qaranka ee 2017-ka illaa 2022-ka, waxa uu dafiray qorshaha Qaranka ee 2030-ka, waxa uu dafiray qorsheyaasha wasaaradaha, wasaarad aan qorshe lahaynina ma jirto”, Sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net