Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku Guulaystay Mashaariic loo tartamay oo Telesom ku jirto

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee JSL, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fuliyo xukuumadda Somaliland oo guddigu qandaraaskooda hore u naadiyey, laguna tartamay.

Mashaariicda fulintooda loo tartamay waxa ka mid qalabka GPS-ka oo lagu xidhayo Gaadiidka dowladda, kaas oo ay ku tartameen dhowr shirkadood oo Telesom iyo Somtel ka mid yihiin. Waxa kale oo qandaraasyada ka mid ah Mashruuc lagu xoolaynayo Dadka ku barakacay Abaaraha ee ku jira Xeryaha baro-kacayaasha Gobollada Togdheer iyo Sanaag; Biyo-ballaadhinta magaalooyinka Gabiley, Tog-Wajaale, Qool-dhuxulaale iyo Gumburaha.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey shirkadaha ku guulaystay, waxa goob-joog ka ahaa xubnaha Guddiga, shirkadaha qandaraasyada ku tartamay iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Md Nuux Maxamed Xuseen, ayaa halkaas ka sheegay magacyada shirkadaha ku guulaystay qandaraasyada loo tartamay. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in qaraaska mashruuca Xooleynta Dadka ku barakacay Abaaraha ee ku jira Xeryaha baro-kacayaasha Gobollada Togdheer iyo Sanaag oo ay tartameen 9 shirkadood ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Amal Service.

Qandaraaska mashruuca Qalabka GPS-ka ee gaadiidka dowladda lagu xidhayo oo ay ku tartameen 7 shirkadood, waxa ku guulaysatay shirkadda Telesom, sida uu sheegay Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net