Shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL oo Ku Tartamaya Mashruuc loo fulinayo Xukuumadda Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, ayaa ku tartamaya mashruuc loo fulinayo Xukuumadda Somaliland, kaas oo qayb ka ah dhowr mashruuc oo ay guddiga Qandaraasyada Qaranku maanta daah-fureen.

Fulinta Qandaraaska Mashruuca oo ay ku tartamayaan Toddoba Shirkadood oo TELESOM iyo SOMTEL ku jiraan, ayaa ah Qalabka GPRS-ka oo lagu xidhayo Gaadiidka dowladda si dhaq-dhaaqooda loola socdo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ka hadlayey kulan maanta lagu qabtay xarunta Guddiga oo lagu daah-furay dhowr mashruuc oo fulintooda laga maalgelinayo Qasnadda Dowladda Somaliland, waxa uu faahfaahin ka bixiyey noocyada mashaariicdaas iyo tirada shirkadaha soo xeraystay inay u tartamaan fulinta qandaraasyadooda.

Sida uu Guddoomiyuhu sheegay, waxa qandaraasyada ka mid ah Mashruuc lagu xoolaynayo Dadka ku barakacay Abaaraha ee ku jira Xeryaha baro-kacayaasha Gobollada Togdheer iyo Sanaag; Biyo-ballaadhinta magaalooyinka Gabiley, Tog-Wajaale, Qool-dhuxulaale iyo Gumburaha.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose