Guddiga Qandaraasyada oo ku dhawaaqay Shirkadda Ku Guulaysatay Dhismaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyadab Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhisme cusub oo Hargeysa looga hirgelinayo Hay’adda Barakacayaasha Qaranka, kaas oo ay ku tartameen 23 shirkadood oo ka qaybgalay kulan shalay lagu daahfuray qandaraaska mashruucan.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo lagu shaaciyey shirkadda ku guulaysatay waxa ka qayb-galay guddiga qandaraasyada, shirkadaha ka qayb qaatay iyo masuuliyiinta hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyadda Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Qandaraaskan ay ku soo tartameen 23-shirkadood isla markaana ay Qandaraaskan ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha ee Asli.

Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyadu waxa uu shirkadda ku guulaysatay dhismahaasi kula dardaarmay in ay Qaranka u dhisaan dhisme tayo leh iyaga oo raacaya nashqada wasaaradda Hawlaha Guud.

Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah guddiga Qandaraasyadda Qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadda lagu daba geli doono tayada Dhismaha ay Qaranka u hirgelinayso isaga oo sheegay in lagula xisaabtamaayo wixii ka yimaada tayada dhismahaasi.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Shirkadihii ka qayb galay tartanka Qandaraaska iyo masuul ka socotay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha waxaanay dhamaantood bogaadiyeen qaabka loogu tartamay.

MUUQAALKA HOOSE KAGA BOGO HADALLADA MASUULIYIINTA