Hargeysa: Qandaraaska Dhismaha Hay’adda Barakacayaasha oo la Daah-furay iyo Tirada Shirkadaha ku tartamaya

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta daah-furay Qandaraaska Dhisme cusub oo magaalada Hargeysa looga dhisayo hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha ee Somaliland.

Kulan lagu shaaciyey Qandaraaska oo ku qabsoomay xarunta Guddiga, waxa goob-joog ahaa oo ka qayb-galay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo ay weheliyaan Agaasimaha iyo xubnaha kale ee Guddiga, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Wakiillo ka socda Shirkadaha ka qayb-galaya tartanka Qandaraaska.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey qandaraaska Dhismaha Cusub ee loo dhisayo hay’adda Qaxoontiga oo hore loo naadiyey iyo tirada Shirkadaha soo codsaday inay u tartamaan.

“Saaka waxa loo tartamayaa dhismaha cusub ee loo dhisayo hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha ee Qaranka. Waxa ku soo tartamaya 23 shirkadood. Guddigu waxay u ballan-qaadaysaa inaanu si daah-furan oo caddaaladi ku jirto u xulan doono shirkadda ku guulaysata,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen.

Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Maxamed Axmed (Xinnif) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay hay’ad ahaan la shaqayn doonaan shirkad kasta oo ku guulaysata fulinta dhismaha qandaraaskeeda lagu tartamayo.

Warkan oo faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net