Guddiga Qandaraasyada oo Ku Dhawaaqay Natiijada Tartan loo galay Mashruuca Iftiiminta Hargeysa Stadium

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey natiijada ka soo baxday tartan lagu kala saaray mashruuc iftiimin iyo Koronto lagu galinayo Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa.

Qandaraaska Mashruucan oo Guddigu Kulan loo dhan yahay ku Daah-fureen 1-dii bishan August oo ku beegnayd Axaddii toddobaadkan, waxa ku tartamay 14 Shirkadood oo dhammaantood guddiga u gudbiyey shuruudihii looga baahnaa ee tartanka Qandaraaskan lagu xidhay.

Mashruucan oo suurta-galinaya in xilliga habeenkii garoonka lagu qaban karo tartanka Ciyaaraha, waxa laga maal-gelinayaa Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadkan 2021-ka.

Advertisement

Haddaba, kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha iyo Maamulka Sare ee Guddiga iyo Shirkadihii tartanka ka qayb-galay, ayaa lagu shaaciyey magaca shirkadda ku guulaysatay inay fuliso Mashruucan.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii loogu tartamay iyo Cidda ku guulaysatay hirgelinta Mashruucan.

Faahfaahinta warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On