Hargeysa Stadium oo Laga dhigayo Garoon la Jaan-qadaya Kuwa Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Mashruuc loogu tartamayo Iftiiminta iyo Koronto-gelinta Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa, kaas oo saamaxaya in xilliyada habeenkii lagu cayaari karo Hargeysa Stadium.

Hargeisa Stadium, Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2020
Hargeisa Stadium, Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2020

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey Mashruucan oo hore loo naadiyey iyo tirada shirkadaha inay u tartamaan u soo xaraystay, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada iyo wakiillo ka socday 14 Shirkadood oo mashruucan ku tartamaya.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo kulanka ka hadlay, ayaa halkaas ka ballan-qaaday in guddigu si caddaalad ah u kala saari doonaan shirkadaha u taramaya isla markaana ay si daah-furan u soo bandhigi doonaan shirkadda ku guulaysata mashruuca iftiiminta Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa oo laga maalgelinayo Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2021-ka.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada iyo xubno ka mid ah shirkadaha u tartamaya mashruucan, kaga bogo muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net