Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Wareegto Madaxweyne Biixi kaga Dalbaday Wax-ka-beddelka Xeerarka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah oggolaaday wareegto uu toddobaadkii hore soo saaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo uu kaga dalbaday inay hawshooda shaqo ka gutaan go’aamo ay soo jeediyeen ergo isu-xilqaantay dhex-dhexaadinta khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Arbacadii toddobaadkii hore soo saaray wareegto uu Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida) kaga dalbaday inay xeerarka doorashooyinka dalka waafajiyaan go’aamo ay soo jeediyeen Ergo Isu-xilqaantay xalka khilaafka qabsoomidda Doorashooyinka, kuwaas oo madaxweynuhu soo-jeedintooda aqbalay.

Ergada ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

Haddaba, Fadhiga Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, waxa ka soo xaadiriye 48 Xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu guddoomiyuhu cod gacantaag ah geliyey ansixinta codsiga madaxweynuhu u soo gudbiyey golahooda.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa cod gacantaag ah kaddib waxa soo-jeedinta madaxweynaha oggolaaday 45 Mudane, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, guddoomiyuhuna ma codaynin.

Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka, ayaa la filayaa inay wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka Doorashooyinka dalka, si ay isu waafajiyaan xeerarka Doorashooyinka dalka.

Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada hore u jiray, ayaa Xisbinimo u tartami doona, halka UCID, Waddani iyo Kulmiye doorashada Ururrada ka sokow ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland, Xukuumaddiisa iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye hore u diiddanaayeen in doorashooyinka Ururrada iyo madaxtooyada la mideeyo iyo in ta madaxtooyada la soo horreysiiyo, ayaa ku doodayey in doorashada Ururrada Siyaasaddu soo horrayn doonto, taasoo ay Mucaaradka UCID iyo Waddani ka soo horjeedeen. Halka Ururradu danaynayeen in doorashadoodu soo horreyso.

Masuuliyijnta Xisbiyada Waddani iyo UCID iyo Ururrada Siyaasadda qaarkood, ayaa soo dhaweeyey Isniintii toddobaadkan oo ay odayaasha Ergada ahaa soo saareen go’aankooda, halka Ururrada qaar ka soo horjeesteen, qaarkoodna aanay weli hadal.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net