Madaxweye Biixi Oo Wareegto ka Soo Saaray Qodobbada Soo Jeediyeen Odayaasha Dhaqanka Bariga Burco

Muuse Biixi Cabdi, wareegto madaxweyne

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan aqbaleen qodobbo ay soo saareen Golaha Dhaqanka ee Beelaha Bariga Burco oo isu-xilqaamay Dhexdhexaadinta khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta soo saaray wareegto uu ku socodsiiyey Shir-guddoonka Labada gole Baarlamaan, kuna ogeysiiyey Guddiga Doorashooyinka, waxa uu sheegay inay soo jeedinta Odayaasha u tixgeliyeen wada-tashiga iyo xaaladda guud ee dalka, waxaanu faray Goleyaasha Sharci-dejinta inay soo jeedinta Odayaasha ay waafajiyaan xeerarka Doorashooyinka Dalka.

“Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Bariga Burco oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu ka aqbalay qodobbada ay soo jeediyeen, waxaanay u Mahad-celiyeen madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka oo si weyn u soo dhaweeyey go’aamada ay Odayaashu soo saareen.

Ergada ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net