Golaha Guurtida Somaliland oo Dood Adag ka yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood adag ka yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxaanay si gaar ah dooddooda uga dhiibteen xidhiidhka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Fadhiga maanta ee Golaha oo uu shir-guddoomiyey Guddomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ay xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in la hakiyo wada-hadallada u dhexeeya labada waddan maadaama isbeddel hoggaamineed ku yimi Somaliland.

Xildhibaannada Qaarkood ayaa farriin ku wejahan macaamilka Somaliland iyo Soomaaliya u diray madaxweynaha Dhawaan marka labaad loo doortay dalkaas Xasan Sheekh Maxamuud.

Wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo soo bilaabmay 2012-kii xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa hakad ku yimi muddo-xileedkii uu talada dalkaas hayay madaxweynihii hore ee doorashada dalkaas lagaga guulaystay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Muuqaalka Hoose ka bogo Doodda xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ka yeesheen xidhiidhka Soomaaliya.