Ganacsato waaweyn oo Xubno ka ah Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Safar ugu baxaya Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay Maalinta Sabtida socdaal ugu baxaan dalka Maraykanka.

Safarka Weftiga madaxweynaha Somaliland oo ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Maraykanka oo noqonaya kii ugu miisaanka culsaa ee socdaal ku tagay dalka Maraykanka, waxa xubno ka ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsatada ugu tunka weyn ee Somaliland.

Xubnaha Weftiga Madaxweynaha ee ka socda Xukuumadda, waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo
Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Advertisement

Xubnaha Ganacsatada ee xubnaha ka ah weftiga, ayaa kala ah Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiyaha shirkadaha Somcable iyo MSG Maxamed Siciid Geeddi, Guddoomiyaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikariim Maxamad Iid iyo Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah Guddiga Sare ee Shirkadda Telesom.

Bulshada Rayidka ah waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland kaga jira Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Socdaalka madaxweynaha ayaa daba-socda safar ay bishii January ee sannadkan dalka ku yimaaddeen wefti ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka, kuwaas oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay Hargeysa.

Waxaanu xogta ku saabsan safarka madaxweynuhu bannaanka u soo baxday kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland uu Xildhibaannada Golaha Wakiillada u sheegay in madaxweyne Muuse Biixi martiqaad ka helay dowladda Maraykanka isla markaana uu socdaal ku tagi doono dalkaas horaanta bisha March ee sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On