Madaxweynaha Somaliland oo Safar Shaqo ugu Baxaya Dalka Maraykanka oo uu marti-qaad ka helay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay socdaal shaqo ku tagayaan waddanka Maraykanka horaanta bisha March ee Sannadkan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Maraykanka, kaddib safarkii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhawaan kaga soo laabtay Waddankaas oo uu kulamo kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Waaxda gaashaan-dhigga ee Maraykanka.

Sidoo kale, socdaalka madaxweynaha ayaa daba-socda safar ay dhawaan dalka ku yimaaddeen wefti ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka oo uu la kulmay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd oo maanta hortagay Golaha Wakiillada oo ansixiyey wasiirka, ayaa hadal uu golaha ka hor-jeediyey ku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu safar ku tagi doono dalka Maraykanka bisha March ee sannadkan.

Hadalka Wasiirka kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net