Gadood Ka Dhashay Hooyo Umul Ah oo U Geeriyootay Madax-furasho D/Hoose Ka Qaaddo Shacabka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Degmada Gacmadheere ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, waxa ilaa caawa ka socday bannaan-baxyo shacabku kaga fal-celinayaan Gaadhi ay Dowladda Hoose leedahay Oo Galbeedka caasimadda caasimadda ku jiidhay Hooyo Umul Ah.

Dadweynahan oo caawa kala xidhay Jidka Laamiga ah ee daba-mara Sacadadiin Super Market, ayaa dalbanayey in cadaaladda la horgeeyo darawalka gaadhiga jiidhsiiyey hooyada Umusha ah oo isla markiiba ku geeriyooday goobta.

Dhacdadan sababtay geerida Haweenaydan, ayaa qabsatay baraha bulshada iyadoo dadweynuhu arrintan si weyn ugu dhaliileen maamulka Dowladda Hoose ee caasimadda, kaddib markii sida la sheegay goobta shilku ka dhacay lagaga tagay meydka hooyada geeriyootay oo darawalka Jiidhay iyo maamulka Dowladda Hoose ee dhacdadan wax ka ogaa aanay masuuliyad iska saarin meydka marxuummadda.

Ciidanka Booliska Somaliland oo goor-dhawayd war ka soo saaray dhacdadan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedaysane  Axmed Ibraahim Muxumed 40-jir oo subaxnimadii hore ee Salaasada maanta gaadhi jiidhsiiyey marxuumadda oo xilliga shilku ku dhacay ku gudo-jirtay baadi-doonka neefaf Riyo ah oo ay leedahay.

Xildhibaan Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa dhaliilay falkan ay sameeyeen hawl-wadeennada Dowladda Hoose oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin.

Xildhibaanka oo caawa warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Haweenayda Geeriyooday ay shilka la kulantay xilli ay baadi-doon ugu jirtay Naafaf Riyo ah oo ay leedahay, kuwaas oo qayb ka ahaa hawl-gal shaqaalaha Dowladda Hoose ku ururinayeen Xoolaha lagu dhaqdo xaafadaha Magaalada Hargeysa.

Eedaysanaha falkan loo haysto, ayaa ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ee Hargeysa oo xilligaas ku gudo-jiray Howl-gal bulshadu sharci-darro ku tilmaantay oo xaafadaha caasimadda lagaga ururiyo Adhiga ay dhaqdaan dadka magaalada.

Shaqaalaha dowladda Hoose ayaa soo ururiyah Riyaha Xaafadaha magaalada, waxaanay isugu geeyaan xero ku taalla Dooxaha Hargeysa, halkaas oo Lacago madax-furasho ah lagaga ururiyo dadka Xoolaha Iska leh.

Tallaabada dowladda Hoose kaga ururiso Xoolaha oo lagu tilmaamay qorshe caasimadda lagaga sifeynayo xoolaha si kor loogu qaado bilicda Hargeysa, ayaa isu beddelay xeelad ganacsi oo dadka xoolaha leh madax-furasho lagaga qaado.

Hoggaanka Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo uu ugu horreeyo maayirka Hargeysa, ayaan ilaa hadda ka hadal dhacdan. Lama Oga in Maamulka Golaha Deegaanku kula socdaan hawl-wadeennada Dowladda Hoose lacagaha madax-furashada ah ee shacabka caasimadda lagaga qaado “af-duubka” lagaga ururiyo Neefafka Xoolaha ah ee ay dhaqdaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net