Ciidanka Booliska Somaliland oo Heegan Buuxa la geliyey iyo Digniin uu Diray Taliye Dabagale

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa heegan buuxa la galiyay maanta, kaddib mudaharaadyo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

In kasta oo xukuumaddu joojisay mudaharaadka ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradka oo ay ku tilmaantay inay halis ku yihiin amniga dalka, haddana xisbiyada mucaaradka ah ayaa wali ku adkaysanaya inay qabanayaan mudaharaadkaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan wax ay ku tilmaameen faro-gelin madaxweynuhu ku sameeyey guddiga doorashooyinka.

Haddaba, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey ciidanka Booliska, isagoo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha magaalada Hargaysa, waxaanu ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cid kasta oo amni daro abuurta.

“Waxaan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa amniga gudaha oo dhan in aynu gacmo adag ku qabano, cidda doonaysa in ay ina khal khal galiso waxay doontaba ha ahaatee, amniga ayaynu adkaynaynaa, cidkasta oo doonaysa in ay amniga khal khal galisana u dul qaadan mayno ee labada gacmood ayaynu iskugu gaynaynaa,” sidaas ayuu yidhi taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.