Beesha Caalamka oo Bogaadisay Wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya Oo Khilaaf Siyaasadeed ka Abuuray Dalkaas

Nairobi (SLpost)- Saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamka, ayaa maanta bayaan wada-jir ah ka soo saaray dib-u-eegista Dastuurka dalkaas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen.

In kasta oo Wax-ka-beddelka dastuurka Soomaaliya oo khilaaf siyaasadeed hor leh ka abuuray gudaha dalkaas, haddana beesha caalamku waxay ku tilmaantay tallaabo meesha ka saaraysa xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo kaalinta Soomaaliya kaga jirto Caalamka.

“Saaxiibada Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo sidii Soomaaliya ugu hoggaansami lahayd waajibaadka Caalamka ee Xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waanu sii wadi doonaa wada-shaqaynta Soomaaliya maadaama ay wax ka beddelayso kaalinta ay Caalamka kaga jirto,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka beesha Caalamka.

Beesha caalamku waxa ay bogaadisay wax ay ku tilmaameen ‘Ujeeddooyinka Qeexan’ ee Dowladda Soomaaliya ka leedahay dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka oo ay ka go’an tahay inay dhammeystirto.

Bayaanku wuxuu u baaqay dhinacyada ay khuseyso dib-u-eegista Dastuurka oo dowlad-goboleedyadu u horreeyaan inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan hirgelinta is-afgarad buuxa oo laga gaadho dastuurka iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay.

Waxa bayaanka wada-jir ugu saxeexan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), Belgium, Denmark, Djibouti, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Urur-goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta, Norway, Sudan, Sweden, Türkiye, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Bayaanka Beesha Caalamku ka soo saartay dib-u-eegista dastuurka, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf weyn soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland.

Khilaafka oo ka dhashay dib-u-eegista dastuurka, waxa uu sababay in maamul-goboleedka Puntland kalsoonida iyo wada-shaqaynta kala noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyadda madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxa maanta magaalada Garowe kulan ku dhexmaray madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms Catriona Laing.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay, Haweenaydan ayaa kala hadashay madaxweynaha Puntland qodobbo dhowr ah oo uu ka mid yahay sidii wada-xaajood loogu dhammeyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net