Maamul-goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Dowlad Ka Madax-bannaan Federaalka Soomaaliya

maamul goboleedka Puntland oo goosasho iclaamiyey

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inay kalsoonida kala laabteen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaanay sheegeen wixii hadda ka dambeeya inaanay mid sharci ah u aqoonsanayn Madaxweynenimada Xasan Sheekh Maxamuud.

War saxaafadeed uu Wasiirka Warfaafinta maamul-goboleedka Puntland ka soo saaray shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu sheegay inuu maamul-goboleedka Puntland ka laabtay Kalsoonida iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay ka madax-bannaan yihiin wixii maanta ka dambeeya.

“Puntland waxay ku caddeynaysaa inay ka go’an tahay inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan oo dhammaystiran ilaa laga soo dhisayo nidaam dawladeed oo Federaal ah oo ku dhisan is-afgarad iyo dastuur Soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay, iyadoo loo marayo afti dadweyne oo ay Puntland ka qayb-qaadato,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka maamulka Puntland.

Go’aankan maamul-goboleedka Puntland ayaa ka dambeeyay kadib markii ay ka biyo-diideen talaabooyinka loo qaaday wax ka beddelka dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay maamul ahaan u arkeen mid sharciga baalmarsan oo go’aanka wax-ka-beddelkiisa aan loo wada dhameyn.

Maamul-goboleedka Puntland oo lagu tilmaamo hooyada nidaamka federaalka ee Soomaaliya, ayaa ah maamulka ugu awoodda badan Shanta Dowlad-goboleed ee ka dhisan Soomaaliya. Dowlad-goboleedyada kale, ayaa kala ah Jubaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net