“Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee” – W/Q: Maxamed Siciid Gees ~ Qaybtii 11aad

Maxamed Siciid Gees

Isma ogo ismiidh iyo ninkii ayro fuufsaday eh

Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilay eh,

Isma ogo waraabaha amliyo awar habeensaday eh

Dagaalkii dunida ee labaad markii Talyaanigu uu qabsaday Ethiopia iyo Somaliland isaga oo hore u haystay Somalia iyo Eretria, ayaa shaqaalihii iyo Booliskii Mamulka Somaliland ee ajnebi iyo Soomaaliba ahaa loo daad-gureeyey Cadan.

Waxa Ciidammada British-ka ee ku sugnaa Cadani war-doon u dirteen xeebaha Somaliland, ciidammadaas oo uu ka madax ahaa Brigadier General Smith. Waxa xeebaha doonyo ku soo rogi jireen rag war-doon ah, waxa ka mid ahaa raggaasi Marxuun Maxamed Gees oo Awoowgay ahaa. Ayaan-darro Awowgay iyo laba nin oo la socday waxa ciidammadii Talyaanigu ku qabteen Xeebta Xarshaw iyaga oo dooni ku dejisay. Waxa Lagu xidhay Xabsi ku yaalla Harar (Adari). Maxkamaddii waxay ku xukuntay dil toogasho ah, waayo jaajuusnimo ayaa loo haystay oo loo aaneeyey saddexdoodiiba.

Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

Waxa kale iyana maxkamaddu ku xukuntay dil saddex nin oo kale oo reer Somaliland ah oo Cabdalle Arab ah oo uu ka mid ahaa Marxuun Caaqil Suufi Haadh. Waxa lagu soo eedayey inay baabur Ciidammada Tayaaniga lah oo ku jabay aaga Burco ay alaab iyo hub kala degeen.

Haddaba, nasiib-wanaag aroortii la toogan lahaa ayaa Ciidammadii British-ku qabsadeen Harar oo maxaabiistii laga sii daayey Jeelkii. Sheekadaas iyada ah oo uu hore awowgay iiga sheekeeya, ayaa waxa ii xaqiijiyey Suufi Haadh mar aan kula kulmay Burco ee aan magacayga u sheegayey ee uu i to’day. Awoowgay waxa la xidhnaa nin H/Y oo Musa Ismaaciil ah oo la yidhaahdo Faarax Guuleed Colaw.

Waxa Soomaaligii hore isku qiimayn jirtay arrimahan: Jid ma la martay, jidiin ma la cuntay, jabad ma la gashay CV-iigu sidaas ayaa lagu qiimayn jiray. Faarax Guuleed waxa uu la dhacay dabeecadii iyo kartidii Odaygii Awoowgay ahaa ee la xidhnaa, iyaga oo dil sugayaal ah ayuu ku yidhi “Maxamadaw haddii Illaahay jeelkan innaga saaro oo nolol dambe yeelano waxan ku siiyey gabadhay Maryan Faarax.” Sidii ayey arrintii u dhacday oo Ayayday tafiirteedii boqol ruux ayey cagacagaynaysaa iyana Ceeri ayey ku nooshahay.

Ismiidh waxa uu guursaday gabadh Giri ah oo reer Jigjiga ah, ayaan-darro isaga oo hawlgab ah oo Xamar ku soo noqday, ayaa nin uu Awowgii dilay aroor xafiiskiisii ku toogtay. Ninkaas oo uu aabbihii ka mid ahaa ciidammadii Talyaaniga ee Soomaalida ahaa ee jabay ee Bandada (Bandits) la odhan jiray oo xoolaha ka dhici jiray xoola-dhaqatada reer Somaliland markay ku noqonayeen degaanadooda. Bandadaas oo ka soo jeeday Majeerteeniya iyo Mudug.

Boqortooyada Midawday (UK) wax xuquuq ah ma ay siin askartii u dagaalantay, halka Tayaaniga iyo Faransiiskuba ay siin jireen oo ilaa hadda siiyaan xuquuq wixii nool ee askartooda ahaa. Wax bixinta iyo horomarinta dalalka saboolka ah kuma fiicna, dal ay dhiseen lama hayo.

Marxuun Cigaal intuu Madaxweynaha ahaa mar qudha ma uu booqan Cariga Boqortooyada Midawday (UK), halka uu laba jiir u boqosho ku tegay dalka Talyaaniga. Waxa uu yidhi; “Haddii aad taageero iyo gacanqabasho aad u doonaysid Soomaalida u kac dhinaca Carabta iyo Talyaaniga, waa looma hoydaan Boqortooyad Midawday(UK).” Bal day durba Talyaanigii waxa uu Puntland siinayo.

Waxa ay ku fiican tahay oo aad ugu xeel dheertay sida dadka loo gumaysto oo loo xukumo, sidaas darteed ayaa arrimaha Soomaaliya loogu igmaday oo Maraykanku ugu xilsaarayn, nin qoraa ah oo Maraykan Mr Gore Vidal waxa uu ku tilmaamay Jasiiraddan Boqortooyada Midawday, markab diyaarada qaada oo Maraykan ah “American Aircraft Carrier.

Waxa shirkan London lagu ansixinayaa wisaayadda (Trusteeship) ama gacan ku haynta Soomaaliya oo dadban lagana qarinayo dadweynaha Soomaaliya. Kal hore mar ayey sheekado soo baxday oo qoladan wadatay ka qaylisay oo beenisay waxa fakiyey sirta dawladda Tayaaniga oo aan raalli ka ahayn gacan dhaafka Boqortooyada Midawaday, taas oo dib loo dhigay oo la soo kala hormariyey hawlihii la watay, markii Dawladdii Shariiftu ka booday oo ka sastay oo kaliftay Haig inuu Muqdisho tago oo beebee lagu qaado si uu u soo sabaaleeyo Madaxweyne Shariif.

Sheekadu waxa ay daba socdaa shirkii hore ee London ee la asturay ee ahaa in lala maamulu dawladda Soomaaliyeed ee la dhisayo oo gacanta lagu qabtohawlaha: Nabadgelyada, Garsoorka, iyo Maaliyadda. Nabadgelyadii waxa gacanta ku haysa Amisom.

Hadda waxa lala wareegayaa Garsoorka iyo Maaliyadda. Sidaas ayaa aqoontii Boqortooyada Midawday ee ahayd sida dadwayga kale loo maamulo loogu baahday. Dhaqaale badani ma yaal shirka London oo ina seegaya ee waxba yaan la isku ciil kaambiyin ee waxa loo baahan yahay tab logu ogaado waxa meesha lagu hayo iyo sidii looga badbaadi lahaashaydaanada laga cawdibilaysto. Waxa khawaajayaashu ku maahmaahdaa haddii aad shaydaan la cashaysid malqacad ama fandhaal dheer ayaad u baahan tahay, waayo waa uu faradhaadheer yahay Shaydaanku.

Waad aragtaa farta khawaajaha ,dhinacna waxa Dawladda Soomaaliya oo la siyey ictiraaf degdeg ah iyada oo waxba la dhaqaajin oo London iyo Washington-ba lagu soo dhoweeyey, dhinaca waa la maamulayaa. Ictiraafku waxa lagu qarinayaa qorshaha wada maamulka. Itoobiya durba waa ka soo booday, ciidammadeedii waa ay kala soo noqonaysaa Soomaaliya. Ethiopia kuma dhacaan khawaajiyaashu oo waay laaluushaan, dimuqraadiyad iyo xuquuqal-insaan ay masaakiinta ku badawsadaan ulama marmarsoodaan.

Haddaba, lugta ha lagu badiyo oo ragii ay is far garanayeen ha loo diro, oo ha laga daayo kua gadhka leh, kuwaas kitaabka Ibnu Caqiilka yaqaan dhinca Carabta ha loo diro, meel waliba rag ayey leedahay waxa loo baahan yahay kala maaraynta khibradda aan haysanno.

Waxa la isoo weydiiyey labada ery ee kala ah Wadaad iyo Aw, halka ay ka soo jeedaan. Aan ku horeeyee erayada afka Soomaaliga ku soo biiray intii Islaamku soo gaaday waxa weeye, Sheekh, Faqiih oo fiqi noqotay, Ustaad, iyo Macallim. Labada ery ee la isoo wediiyey kama mid ah kuwa Carabiga ka soo jeeda ee waa ka horeeyeen, oo waqti hore iyo afkaaro hore ayey ku fadhiyaan.

Ereyga wadaad waxa uu af ahaan ka soo farcamayaa qaabdhiska Wd, waa laba shibane waxa dhexgeli kara shaqalo, Wad, wed , wud , wid , wod ama waa ku dhaadheer , waad, weed, wuud, wiid, wood. Qaabab kaasi waa suurtagal hasyeeshee Af Soomaaliga waxa hirgalay uun, labo: Wad iyo Wed.

Siyaabaha afku u koro waxa ka mid ah, in erygii lagu celceliyo sida; Wadwad, sida, burbur, cadcad iwm. Ama Waadwaad, sida baalbaal, iwm. Ama Wadwaad sida walwaal iwm. Waxa uu marka dambe u sii koraa Wadaad. Markasta micnaha ereygu waxa uu yahay micnaha labada shibane ee dhawaaqa qudha ah ee uu ka unkamo wax kasta oo kale ha raaceeneh.

Haddaba wad iyo wed waa isku micne waxay tilmaamayaan: kaxayn tegid meel kale, ama dhimasho ha ahaato ama yey noqon eh.Maxay ahay webiga i walwaalayow xagee ii wadaa iyo wedkii kenedi dilay Adan buu soo kac leeyahay eh.

Waxa xiisee leh Masaaridii hore ereyga Wad ama Wed fartoodu shaqalo ma lahayn, sida darteed labadba wuu noqon karaa, waxa la odhan jiray ninka qofku marka uu dhinto maydha ee hagaajiya ee mariya dawadii “taxniidka” ee ka illaalinaysay qudhunka ilayn waa qof tegaya oo safar geliye oo duni kale u kacaya eh sida ay rumaysnaayeen. Waa wadaad wedaad waa keexeeyee waddo mariye, wade. Boowe maxaa ku baxay? Aw iyo mar dambe!!