Yaman Oo Xoogaga Ku Dagaalmayaa Ay Hirgalinayaan Xabad Joojin

Yaman(Slpost)-Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in dhinacyada isku haya Yemen ay ogalaadeen xabbad joojin billaabaneysa 10-ka bisha April.

Wadaladala nabdeed ayaa la qorsheynayaa in ay ku bilowdaan dalka kuweit sideed cisho kaddib markii ay billaabato xabbad joojinta.

Waxaa la qiyaasayaa in dagaalkan sanadka socday ay ku dhinteen 6, 000 oo qof, kaas oo u dhaxeeya xulafada uu horkacayo Sacuudiga iyo falaagada Xutiyiinta ee doonaya in ay dalkaasi Maamulaan.

Dalka Yemen horey waxaa u guuldareystay wada xaajoodyo nabadeed, waxaana haatan ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalkaasi Ismail Walad Sheekh Axmed uu ku micneeyay xabbad joojintani cusub iyo wada hadalada nabadda fursaddii ugu dambeysay ee lagu soo afjari lahaa colaadda dalkaasi Yemen.

Xabbad joojin guud oo ka dhacda dalkaasi ayaa waxa ay dhaqan geli doontaa sakhdi dhexe tobanka bisha Abril, iyadoo siddeed maalmood kaddib lagu wado in wada hadalada nabadda ay ka furmaan dalka Kuwait.

Ujeedada ayaa waxa ay tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda galaafatay nolasha in kabadan lix kun oo qof isla markaana ay dib u furmaan wada xaajood siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Waxaa sidoo kale rajadu ay tahay in xabbad joojintu ay horseedi doonto in si nabdoon gaargaar bani’aadanimo loo gaarsooyo malaayiinta qof ee aadka ah ugu baahan kaalmada bani’aadanimo.