Xuutiyiinta oo Khasaarihii ugu Ballaadhnaa ka geystay Gudaha Sucuudiga

Riyadh (SLpost)- Diyaarado aan Duuliye lahayn (Drones) oo ay leeyihiin Jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen, ayaa weerarray laba Xarumood oo ay maamusho Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ee Aramco.

Sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Sucuudiga oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, labada diyaaradood oo Qarax ahaan loo adeegsaday ayaa lala beegsaday Xarunta shirkadda Aramco ku leedahay Bariga dalkaas ee deegaanka Abqaiq oo ah goobta ugu weyn ee Shidaalka lagu sifeeyo.

Waxa kale oo Diyaarad Drone ah lala beegsaday Ceelashada shidaalka ee Khurais oo ay ku yaallo Goobta laga Maamulo Shidaalka Sucuudiga. Weerarradan ayaa sababay in dab xoog lihi ka kaco Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah lala beegsaday.

“Saacaddu markay ahayd 4.00 subaxnimo, ayaa Ilaalada Warshadda Shidaalka ee Aramco waxay bilaabeen inay la dagaalamaan Dab ka kacay labada Xarumood ee Abqaiq iyo Khurais oo dab ka kacay,” Sidaas waxa sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Sucuudiga.

Afhayeenku ma sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Weerarkan, mana sheegin Cidda Masuulka ka ahayd Weerarka, laakiin Xilli dambe oo Sabtida ah ayaa Xuutiyiintu sheegeen in labada diyaaradood ka mid yihiin ilaa 10 Drones ah oo ugu talooyin inay fuliyaan weerarro aan kala joogsi lahayn.

Malleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa sheegtay masuuliyiinta weerarka lagu fuliyey diyaaradaha Drones-ka ee lagu bartilmaameedsaday goobaha shidaalka lagu farsameeyo ee dalka Sucuudiga, kaas oo dhacay gelinkii hore ee Sabtidii Maanta, sida lagu baahiyey telefishan laga leeyahay dalka Yemen oo lagu magacaabo al-Masirah.

Warka uu baahiyey telefishanka waxa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiintu gudaha dalka Sucuudiga ku weerareen 10 Diyaaradood oo Drones ah oo lagu jiheeyey ceelasha shidaalka ee Khurais iyo Wershada shidaalka lagu farsameeyo ee Abqaiq, kuwaas oo labadoodu ku yaalla gobollada Bari ee dalkaas.

Dalka Sucuudiga oo hoggaamiya Isbahaysiga Carbeed ee duqeymaha xagga cirka ka fuliya gudaha dalka Yemen iyagoo bartilmaameedsanaya fadhiisimada ay leeyihiin Xuutiyiinta oo xoog hubaysan xukunka ka tuuray dowladda Yemen, iyagoo gacanta ku dhigay caasimadda dalkaas ee Sanca. 

Xuutiyiinta oo taageero milatari ka helaya dowladda Iiraan, ayaa inta badan weerarro lagu fuliyo Diyaarado Drones ah iyo Gantaalaha riddada dhexe ku bartilmaameedsada goobo ka tirsan gudaha dalka Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood sababaan khasaare kala duwan in kasta oo dowladda Sucuudigu sheegto inay ka hortagto isla markaana soo riddo gantaalaha ay Xuutiyiintu ku ridaan iyo diyaaraha Drones-ka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net