Xuska Sannad-guurada 25aad ee Geeridii Mujaahid Ibraahim Koodbuur oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa (SLpost)- Waxaa magaalada caasimada ah ee Hargeysa lagu qabtay xuska sanad guuradii 25 aad ee kasoo wareegtay Alle ha u naxariiste Geeridii Halyeeygii Shahiiday ee (SNM) Mujaahid Ibraahim Ismaaciil Koodbuur.

Waxaa Ugu Horayn Si mug leh ugu waramay Taariikhda Marxuun Mujaahid Ibraahim Ismaaciil Koodbuur,  Md Boobe Yuusuf Ducaale,Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta isagoo  sheegay in alle ha u naxariistee Mujaahidku uu ahaa nin geesiya oo ku guulaystay dagaaladii uu kasoo qaybgalay oo dhan waxaanu ku dheeraaday Hawgalkii Caanka ahaa ee uu hogaaminayay  ee la magac baxay (Badjeex),isla markaana ay koox ka tirsan Ururkii SNM ku soo Furteen  ee lagu soo furtay Muj Cabdilaahi Askar Barkhad.

Sidoo kale waxaa Xuska 25 guurada mujaahid ibraahim koodbuur kahadlay Maxamed kaahin kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa shahiid geesiya Ibraahim Koodbuur lafdhabarna uu u ahaa Jabhadii SNM Taariikhduna ay marwalba xusi doondo, Ilaahayna waxaa uu uga baryay in naxariistii jano uu kawaraabiyo,

Sidoo kale waxaa iyana Xuska kahadlay kana waramay Taariikhda halgankii iyo Hawgaladii geesiniimada lahaa ee uu kasoo qaybqaatay Mujaahid Ibraahim Koodbuur,Axmed Cali Gaydh, Maxamed Sahal, Canab Cumar Ileeye, Xasan Cali Wayd, Xasan Guure Jaamac, Kuwaasoo siyaabo kala duwan uga waramay intii ay ka Xasuustaan amase ka arkeen Mujaahid Ibraahin Koodbuur, Ugu danbayntiina waaxa ay sheegeen in Marwalba la xusi doono Guud ahaan Mujaahidiintii u soo shahiiday halgankii qadhaadhaa ee dib u Xoraynta     Wadanka ee SNM hogaaminaysay.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa