Xulka Brazil Oo Furitaankii Koobka Adduunka 2014 Guul Ku Aftaxday

Ciyaartii furitaanka koobka aduunka 2014 ee lagu qabanayo wadanka Brasil, waxaa lagu furay labada dal ee isku guruubka ah ee Brazil oo marti-galinaysa koobka adduunka 2014 iyo xulka Croatia.

Waxa soo xaadiray boqolaal taageerayaal ah oo garoonka Arena desano Poulo ciyaartu markii ay socotay mudo 11 daqiiqo ee qaybtii hore, ayaa difaaca baasha bidix ka ciyaara Brazil ee Marcelo uu iska dhaliyay kubbad karoos ahayd oo uu ciyaarta ka dhiga 0:1.

UntitledBalse Xulka waddanka Brazil ismuu dhigan ee daqiiqadii 29aad ayaa weerayahanka kooxda Barcelona iyo xulka Brazil ee Neymar uu u dhaliyay waddankiisa gool aad u qurux badan waxaanay ciyaartii noqotay 1:1.

Qaybtii danbe markii laysku soo noqday waxaa mar kale soo rogaal celiyay ciyaaryahanada weerarka ee brasil daqiiqadii 71 aad ayaa Daafaca xulka qaranka Croatia ayaa daqiiqadii 68 kudhagay weeraryahanka Brazil Fred gudaha diilinta ganaaxa, siidhi wadaha ayaa ku inuu tilmaamo gool rikoodhe ama gool ku laad, waxana dhaliyey Neymar oo shabaqa kuhubsaday hogaanka ciyaartana ka dhigay 2: 1 waxaa sidaas ku la wareegtay Brazil.

Xulk Croatia waxa la diiday gool ay dhaliyeen waxaanu gar-sooruhu tilmaamay inay ahayd offsideka dib Oscar ayaa u sadexeey kuna hogaamayay wadankiisii inay guul ku furan koobak aduunka oo lagu qabanayo wadankooda Brazil.