“Xukuumaddu way ka Hor-tagaysaa Kooxaha Rabshadaha iyo Qaska kawada Itoobiya” Raysal Wasaaraha Itoobiya

Haile Mariam Desalegn

 

Addis(SLpost)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan dad uu sheegay inay dalkiisa ka wadaan dibadbaxayo rabshado wata.

 

Hailemariam Desalagn oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay dadka dibadbaxa dhigaya ay ku jiraan kooxo fowd-wadayaal ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay gubeen xarumo dowladeed iyo hanti dadweyne.

 

“Waan la soconaa kuwa fowdo-wadayaasha ah inay dileen xoogaga amniga, isla markaana gubeen xarumaha dowladda iyo hantida dadweynaha, waxaanan ku qaban doonnnaa gacan bir ah,” ayuu yiri RW Itoobiya.

 

Sidoo kale, Desalagn ayaa xusay in dowladda ay gudaneyso waajibeedka, isla markaana ay ixtiraameyso dastuurka, isagoo sheegay in xukuumaddiisa iyo shacabka ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah kooxaha qaska wada.

 

Bannaanaxyo waaweyn ayaa tan iyo bishii hore ka socday gobolka Oromiya oo ka tirsan sagaalka is-maamul goboleed ee dalka Itoobiya; iyadoo dibadbaxyadan ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah, inkastoo xukuumadda dalkaas ay sheegtay in shan ruux ay ku dhinteen dibadbaxyadan.

 

Dibadbaxyadan ayaa waxay ka billowdeen go’aan ay dowladdu ku sheegtay inay ku ballaarinayso magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa; taasoo galaysa qaybo ka mid ah gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, shacabkuna ay diideen.

 

Ugu dambeyn, ha’yadda Amnesty International ayaa ku eedeysay Xukuumadda Itoobiya inay dishay ugu yaraan 40-qof oo shacab ah intii ay socdeen dibadbax-yada ka dhacaya gobolka Oromiya.