“Xukuumaddani waxay Caydh ka tahay Cadaaladda, hodan-na waxay ku tahay Dulmiga” – CALI GURAY

“Xukuumaddani waxay Caydh ka tahay Cadaaladda, hodan-na waxay ku tahay Dulmiga” – CALI GURAY“Cabdilaahi cukuse waxaan leeyahay waaryaa Saaxiibka Xukuumaddu waa Bisha oo saddex ahe, intii suuqa ha isa seegina”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Guray), ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu duullaan qaawan oo sharciyadda dalka iyo qaanuunka caalamiga ahba baalmarsan xorriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland.

Cali Guray oo ka hadleyey cashuur xukuumaddu ku soo rogtay warbaahinta madaxa-bannaan gaar ahaan telefishannada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawl-gala, waxa uu ku tilmaamay tallaabo xukuumaddu ku cuna-qabataynayso madax-bannaanida Saxaafadda dalka, taas oo uu sheegay inay ka dhigan tahay weerar lagu tirtirayo nidaamka Dimuqraadiyadeed iyo jiritaanka Axsaabta Mucaaradka ah ee dalka, waxaanu suurto-galnimada arrintaas lagu hirgelinayo ku sheegay mid ka shidaal-qaadanayso cadaalad-darrada xukuumadda Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO