Xukuumadda Somaliland oo Xayiraad ay Hore u Saartay Ka qaadday idaacadda BBC Somali

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadda ka qaadday idaacada BBC-da kaddib markii is-afgarad laga gaadhay go’aan ay xukuumaddu wada-shaqaynteeda ku joojisay Bishii July ee sannadkii hore.

Kulan dhexmaray madaxda Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo madax ka socotay idaacada BBC-da oo Hargeysa soo gaadhay, ayaa horseeday is-garad xukuumadu ay ogolaato in dib loo sii daayo idaacada oo muddo sannad ku dhow ay xayiraad ka saarnayd gudaha Somaliland.

“Wadahadal iyo kulamo dheer oo aanu wada yeelanay BBC qayteeda Afka-Soomaaliga, kulamadaas oo aanu ku qaadanay xarunta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta  waxaanu isla meel dhignay khilaafkii soo taxnaa” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda ay wasaarada warfaafintu soo saartay.

Somaliland ayaa BBC-da ku eedaysay dhexdhexaadnimo la’aan iyo in ay faafiso kali ah dhaliilaha Somaliland, isla markaana ay hoos u dhigto wanaagyadeeda, iyo in aanay shaqaalaysiin dhallinyarada reer Somaliland.

Cabashada kadib Somaliland ayaa albaabada isugu dhufatay dhamaan xafiisyadii BBC-da ee magaalada Hargeysa, waxaana hawada ka baxay dhagaysiga guud ahaan BBC World Service iyo laanta Afka-Soomaaliga ee deeggaanadda Somaliland.

BBC-da ayaa kamid ah idaacadaha loogu dhagaysiga badanyahay Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Soomaalidu dagto, iyadoo idaacaddani ahayd isha kaliya ee bulshada Soomaalida ahi ka helaan wararka.