Xukuumadda Somaliland Oo Xaqiijisay Inay Soomaaliya Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Wasiirka Difaaca UK Ku Yimi Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay jiritaanka war uu dhawaan Geeska Afrika baahiyay oo ah inay dawladda Soomaaliya Ingiriiska u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska  Gavin Williamson.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi  “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

wasiir fatatoonWasiirka oo la weydiiyay inay dawladda Soomaaliya dacwad ka gudbisay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku ku yimid Somaliland, wuxuu yidhi “Way jirtaa Dacwadani,laakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun, Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.”

Mar aanu wax ka weydiinay in Ingiriisku ergey gaar ah u soo magacaabay Somaliland, wuxuu wasiir Faratoon ku jawaabay, “Wax Safiira oo la  inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro, ee Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, wax gaar ah se ma jiro, gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”.

SOURCE: GEESKA AFRIKA