Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Cillad ku timi Adeegyada Shirkadda Telesom

Maamulka Shirkadda Telesom oo bulshada ka raalli-geliyay Cilladda ku timi Adeegyada ay bulshada u qabtaan oo ay sheegeen in la xalliyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee Somaliland, ayaa ka hadashay cillad soo food-saartay qaybo ka mid ah adeegyada ay bixiso shirkadda Telesom maanta oo Khamiis ah.

Adeegga Lacagaha laysugu diro ee Zaad ee shirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu ballaadhan dhinaca adeegga Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa maanta gebi ahaanba joogsaday inuu shaqeeyo, waxaanay ciladdani saamayn xooggan ku yeelatay Shacabka Somaliland oo intoodani badani ku keydsadaan isuguna diraan lacagaha.

Wasaaradda Isgaadshiinta Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay booggeeda Facebook, waxa ay sheegtay inay arrintan kala hadleen isla markaana xidhiidh kala sameeyeen maamulka shirkadda Telesom oo wasaaradda u xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan xalinta cilladdan.

Advertisement

Waxa ay wasaaraddu qoraalkeeda ugu sheegtay bulshada inay muujiyaan samir isla markaana ay ka war-sugayaan muddada ay shirkaddu xallinayo cilladdan.

“Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu waxa ay xidhiidh kala samaysay maamulka shirkadda Telesom isla markii ay cilladdu ku timi qayb ka mid ah adeegyada ay bixiso. Maamulka shirkaddu waxay noo xaqiijiyeen inay xallinta cilladdan gacanta ku hayaan, muddo koobanna ay ku dhammaystiri doonaan.

Haddaba, waxaa aanu bulshada ku war-gelinaynaa inay ka war-sugaan shirkadda, dulqaadna ay muujiyaan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Isgaadhsiintu ka soo saartay cilladaha ku yimi adeegyada shirkadda Telesom.

Cilladaha ku yimi adeegyada shirkadda Telesom, waxa ka mid ahaa iyadoo ay joogsadeen bixista khadka wicista telefoonada oo muddo kooban la dareemay.

Maamulka Shirkadda Telesom, ayaa bulshada ka raalli-geliyay cilladda ku timi qaybo ka mid ah adeegyada ay bulshada u hayso, waxaanay bulshada u ballan-qaadeen inay sida ugu dhakhsaha badan ku xalli-nayaan cilladda jirta.

Maamulka Shirkadda Telesom

“Waxaanu ka raali galineynaa dhammaan macaamiishayada sharafta leh hakadkii ku yimid isticmaalka adeegyada Telesom. Waxaanu ku guddo jirnaa xalintii iyo cilad saaridii waxaanu iidiin balanqaadeynaa in aanu wakhti kooban ku xalineyno cilada dhacdey,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal shirkaddu ku baahisay ciwaannada ay ku leedahay Baraha bulshada.

Adeegyada shirkadda ee cilladdu ku timi, ayaa sidii caadiga ahayd ku soo noqday Fiidnimadii caawa, sida ay xaqiijiyeen Maamulka sare ee shirkadda Telesom oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Guud ee Shirkadda.

Masuuliyiinta shirkadda ee goob-joogga ka ahaa shirka jaraa’id ee shirkaddu cilladda ku timi adeegyadeeda kaga raalli-gelisay bulshada waxa ka mid ahaa Maareeyaha Guud ee shirkadda Telesom Keyse Maxamuud Faarax, Maareeye ku-xigeenka Guud ee shirkadda Faarax Maxamed Guure iyo Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Cabdiwahaab Maxamed Xuseen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On