Xukuumadda Somaliland oo War Cusub ka soo saartay Xayiraad lagu soo rogay Isu-socodka gobollada ee Maalmaha Ciidal-fidriga

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha Guddiga Covid-19, ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aamo ay guddigu soo saareen shalay kaas oo ay ku xaddideen isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee gobollada dalka si looga hortago faafitaanka xannuunka.

Guddida heer qaran Covid-19, ayaa shalay shaaciyey go’aamo lagu xakamaynayo dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo isu-socodka gaadiidka ee gobollada dalka inta lagu gudo-jiro maalmaha dabbaal-degga Ciidal-fidriga si looga hortago faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la hadlay warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inaanay jirin isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee gobollada, balse la oggol yahay in isu-socodku ku kooban yahay degmooyinka gobolku ka kooban yahay, isagoo taas ku sababeeyey in jiraan gobollo dalka ka mid ah oo uu ku badan yahay Xannuunka Covid-19.

Muuqaalkan hoose waxaanu idiinku soo gudbinaynaa hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net