Xukuumadda Somaliland oo u jawaabtay Maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Qaranka oo dhawaan u goostay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Punland.

 

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey hadal  ka soo yeedhay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas oo maalintii Ciidal-fidriga hadallo hanjabaad ah u soo jeediyey xukuumadda Somaliland.