Xukuumadda Somaliland oo tafaasiil Dheeraad ah ka bixisay Diyaarad Shalay loo Diiday inay soo Cago-dhigato Garoonka Hargeysa

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey diyaarad maalintii dorraad laga celiyey hawada Somaliland iyada oo isku dayaysay inay fadhiisato garoonka magaalada Hargeysa, ka dib markii la ogaaday inay ruqsad ka haysato Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in diyaaraddaasi siddatay rakaab isla markaana ay duulimaadkeeda ka soo bilowday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ruqsadda ay ku fadhiisan lahayd madaarka Hargeysa-na ay ka soo qaadatay magaalada Muqdisho.

“Diyaaradaasi waxay ahayd diyaarad gaar loo leeyahay oo duulimaadkeeda ka soo bilowday magaaladda Jabuuti, kadib markii shaqaalaha duulista iyo hawadu taawarka diyaarad ah la hadla ay la hadleen waxaa muuqatay inay ruqsad ka soo qaadatay magaalada Muqdisho.Arintaasi oo runtii baal-marsan go’aankii ay dhawaan Somaliland soo saartay ee ay ku ilaashanaysay maamulka hawada Somaliland,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi oo maanta u warramay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Markii aanu ogaanay arrintaasi waxaa la faray diyaaraddaasi in aan loo ogolayn inay dalka timaado, marka dib ayay u noqotay oo waxay tagtay meel kale.Waa markii ugu horreysay ee diyaarad waddan kale leeyahay ama shirkad kale leedahay ay ku xad-gudubto go’aankii Jamhuuriyadda Somaliland, kaas ayaananu ka qaadanay.”

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu iftiimiyey shuruudaha diyaaradaha looga ogolyahay fadhiistaan madaarrada dalka, waxaanu yidhi, “Diyaaraddu waxay ahayd mid rakaabsiday oo aan ruqsadna ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland, manay ahayn mid sidday daawo, talaal, cunto, raashin iyo arrimo lagu caawinayo dadka reer Somaliland oo diyaaradahaasi inay dalka yimaadan waanu ogolnahay inkasta oo loo baahanyahay inay isa-soo sheegaan oo heshiisku ahaa in marka hore warka iska soo horreysiiyaan oo cidda saaran iyo waxay wadaan iyo shaqaalaha iyo hay’adda wadata aanu ogaanno, markaa sidaa ruqsad lagu siiyo oo ay ku timaado.”

SOMALILANDPOST.NET