Xukuumadda Somaliland Oo Su’aal gelisay Ka-qaybgalka mucaaradka ee Doorashooyinka soo socda

Advertisement

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa su’aal gelisay sida Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID uga qayb-geli karaan doorashooyinka soo socda, gaar ahaan doorashada Ururrada siyaasadda, maaddaama oo ay ku dhawaaqeen in aanay aqoonsanayn sharciyadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradku ay sharcigii dalka gacmahooda ku qaateen isla-markaana isku dayeen inay dalka khalkhal-geliyaan, sidaa darteed ay Xukuumaddu Guddiga diwaagelinta Ururrada waydiinayso sida sharci ahaan ay Xisbiyada Mucaaradku uga qayb-geli karaan doorashada, maaddaama oo ay diideen sharciyadda laamaha Dawladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa oo waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashada “Xisbiyada Mucaaradku waxay lumeen 2017 markii ay galeen doorasho xor iyo xalaal ahayd oo Adduunka oo dhami qiray ay deedafeeyeen, komiishankii wakhtigaa jirayna ay la meeraysteen,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland.

“Guddiga diwaangelinta Ururrada waxaanu waydiinaynaa sharci-darradaa ay ku dhaqaaqeen ee ay yidhaahdeen Madaxweynaha sharci uma aqoonsanin, guddiga diwaangelintu ha ka jawaabaan sharci-darradaa labada Xisbi Mucaarad ku dhawaaqeen ma gayeysiinaysaa oo ma u ogolaanaysaa inay ka qayb-galaan doorashada soo socota? Waxaanuna jawaabteeda uga fadhinaa guddiga diwaangelinta ururrada siyaasadda” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeraha ee Somaliland.

Advertisement

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Advertisement