Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhawaysay War-murtiyeed Golaha Ammaanku Ka Soo Saaray Xiisadda Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay war-murtiyeed shalay ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsanaa joojinta colaadda Laascaanood, dib u soo celinta xaaladaha nabadda ee Magaaladaasi iyo in aan la Carqaladayn gargaarka bini’aadantinimo si loo dejiyo xaaladda Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay Walaacyada ay Somaliland ka qabto in si khaldan wax loogu sheegay Qaramada Midoobay gaar ahaan xaqiiqooyinka ka jira dhulkaas.

Warsaxaafadeedku waxa uu caddeeyay in 26-kii bishii February 2023 ay ciidamada Somaliland ka baxeen Magaaladda Laascaanood, isla markaana ay difaac adag ka galeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood.

Advertisement

Warsaxaafadeedku waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay si adag uga hortageen in ay waxyeelo soo gaadho dadka rayidka ah, Iyadoo marar badan ay Kooxo Maleeshiyad ahi soo weerareen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka walaacsan go’aankii Golaha Ammaanku soo saaray oo fursad u ah in Kooxda Al-shabaab ay si xawli ah isugu balaadhiyaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ee Somaliland.

Warsaxaafadeedku wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintani aanay khatar ku ahayn oo keliya Somaliland, hasa yeeshee ay khatarteeda la wadaagi doonaan dalalka aynu jaarka nahay sida Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo weliba gobolka oo dhan.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa kale oo lagu caddeeyay in Xukuumadda Somaliland ay Warqadda u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo ku taariikhaysnayd  12-kii bishii Abriil 2023, isla markaana lagu ogaysiiyay khatarta Al-Shabaab ee ku soo korodhay Magaaladda Laascaanood iyo gobolka Sool.

“Ma jirto dawlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dawladda Somaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan ​​sidii ay khatartan isa soo taraysa looga hortagi lahaa. Xukuumaddu waxay ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo colaaddaas, nasiib-darro, baaqyadaas may aqbalin madaxda beelaha Laascaanood,” Sidaas ayey Xukuumaddu ku tidhi Warsaxaafadeedka

Waxa war-saxaafadeedka lagu xusay in mudadii dagaalkaasi socday ay Somaliland u dhiibtay qaar ka mid ah hay’ado caalami ah  gargaar bini’aadantinimo si loo gaadhsiiyo bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanood, halka sidoo kale la gaadhsiiyey agabka dhanka caafimaadka ah.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay in Dawladda Somaliland ay si joogto ah cunto, biyo, iyo dawooyin u gaadhsiiso dadka ku barakacay degaannada ka baxsan Laascaanood.

Warsaxaafadeedku waxaa kale oo uu tilmaamay in Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay ilaalinayaan dadka, madaxbannaanida iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku jira xudduudaha uu Caalamku aqoonsan yahay wakhtigii ay Somaliland xornimada qaadatay iyadoo Xuduudaha Caalamiga ah ee Somaliland ay waafaqsan yihiin qodobka 4aad ee xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika oo ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

Gabo-gebadii, Wasaaradda Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay war-saxaafadeedka ku sheegtay in Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida magaalada Laascaanood hortaagan ay tahay soo gelitaanka Magaaladaas ee ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda ka taagan Gobolka Waxaa kale oo muuqata ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in dagaal-yahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ay tahay inay ka baxaan Magaaladaas ciidamada Puntland, Waxaa kale oo Somaliland ay ku boorisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan bilawga dadaallada nabadeed.

Follow us On