Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay Qorshe lagaga Hortagayo Xannuun ka dillaacay Shiinaha oo Saamayn ku yeeshay Dunida

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay qorshaha uga meel-yaalla Xannuun Tobannaan qof u dhinteen boqolaal kalena cusbitaalla u jiifaan oo ka dilaacay Dalka Shiinaha, kaas oo saamayn xooggan ku yeeshay Dunida inteeda badan.

Mahdi Cismaan Buuri

Xanuunkan oo uu sababo Caabuq loo yaqaanno Corona oo haleela Neef-mareenka Bani-aadamka, ayaa aastaamihiisa lagu arkay dhowr waddan oo caalamka ka tirsan kuwaas oo dalka Maraykanku ka mid yahay, waxaanay Xukuumadda Somaliland u soo jeedisay Shacabkeeda inay ka feejignaadaan Xannuunkan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan meelaha Dalka laga soo galo oo Garoomada diyaaradahu ugu horreeyaan ay dhigeen dhakhaatiir baadhitaan ku sameeya dadka ka soo degaya si looga digtoonaado Xanuunkan oo la sheegay inuu yahay mid si xawli ah u fidaya.

Wasiir ku-xigeenku wuxuu  dardaaran u jeediyey Cid kasta oo Shacabka Somaliland ah Dalka dibeddiisa safar ugu baxaysa, gaar ahaan ganacsatada oo intooda ugu badani ku xidhan yahay Suuqyada waaweyn ee dalka Shiinaha.

Somaliland gudaheeda waxa ku sugan isla markaana ka hawl-gala muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha oo ka shaqeeya shirkado dalka laga leeyahay iyo shirkado kale oo qaarkood ay leeyihiin ganacsato dalka Shiinaha u dhashay.

 

Somalilandpost.net